Carwo Bandhigeed

Carwo bandhigeed socon doonta muddo toddobo cisho ah ayaa lagu daah-furay barxada dugsiga hoose, dhexe ee Wiil-waal.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo Komeshinerka komeshinka Maalgelinta Itoobiya, marwo Lelise Name ayaa si wada jira u daah-furay carwo-bandhigeedkan. Waxaana agabyo kala-duwan kusoo bandhigaya, shirkadaha yar-yar ee Deegaanka, kuwa Dalka, maalgashadayaasha, ganacsato iyo bangiyada Dalka, iyada oo uu socon doono muddo toddobo cisho ah.

Agabyada lasoo bandhigay waxaa kamid ah: agabyada wax-soo-saarka beeraha sida: cagafyada, matoorada, wax-soo-saarka shirkaddaha yar-yar iyo khayraadka kala-duwan ee Dalka kasoo baxa.

Masuuliyiinta ayaa si gaar ah uga dhagaystay war-bixinadooda guud ahaanba shaqsiyaadkii carwo bandhigeedkani kusoo bandhigay wax qabadkooda, madaxweynaha ayaana ku dhiirri-gelinayay in lasii xoojiyo wax-soo-saarka gudaha si qorshaha isku-filaanshiyaha loo hirgaliyo loogana maarmo adeegyada shisheeye.

Guud ahaan wax-soo-saarka la soo bandhigay ee shirkadaha yar-yar ee DDS, oo billowgiiba ku hawl galay lacagaha daynta ee hay'adda adeegga lacagaha yar-yar ee (Micro-financiga) iyo shaqo-abuurka ayay ka faa'iidaysteen boqallaal dhalinyaro oo bilaa camal ahaa hadda ka hor.

Madaxweynaha iyo marwada waxaa kormeerka ku weheliyay Wasiirka Xafiiska Maalgelinta iyo Warshadaha DDS, mudane Dayib Axmed-nur, Marwo Saynab Xaaji, Ku-xigeenka Xafiiska iyo masuuliyiin kale oo heer Deegaan ah.

Share this Post