1,000 qoys oo danyar ah oo laga soo kala xulay xaafadaha magaaladda Jigjiga ayaa maanta loo qaybiyay noocyada kala duwan ee raashinka.

Deeqdan oo isugu jirta sonkor, bariis, daqiiq, caano, timir iyo saliid ayaa ka timid shirkada DP World, waxaana deeqdan loogu talo’galay in ay bulshadani isticmaalaan bisha barakaysan ee Ramadaan.

Wasiir kuxigeenka Xafiiska Madaxweynaha DDS Mudane C/risaaq Sheekh C/raxmaan Sayid ayaa sheegay in deeqdani ay qayb ka tahay dadaalada xukuumadu waddo ee dhanka iscaawinta iyo garab istaaga.

Dhanka kale, madaxa fulinta ee gobolka Geeska Afrika iyo wadamada saxaraha ka hooseeya ee shirkadda DP World ayaa sheegay in ay door muhiim ah ka qaaddan doonaan garab istaagga iyo caawinta dadka danyarta inta lagu jiro bisha Ramadaan..

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *