Kulan lagu soo jeediyay samaynta nidaamka casriga ah ee kaydinta Xogaha (legal cadester) afar xaafadood oo kamida magaalada, ayaa ka qabsoomay xafiiska Adeegbixinta

Kulanka ay ka soo qaybgaleen hogaaminta xafiiska Adeegbixinta, masuuliyiinta 4ta magaalo hoosaad, masuuliyiin ka socday Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha iyo maamulada Xaafadaha shaqada laga wado ayaa ugu horayn Shirkada Latalinta ee Big Vision ay soo jeediyeen halka marayso samaynta nidaamka casriya ee kaydinta Xogaha(Cadester) ee loo samaynayay xaafadaha 05aad, 06aad, 07aad iyo 10aad.

Gabagabadii kulanka ayaa shirkada Latalinta ee Big Vision loo soo jeediyay su’aalo iyo talo bixino iyo sidookale in la dardargaliyo islamarkaana lagu dhamaystiro wakhtiga loogu talagalay.

Share this Post