Maamulka sare ee Caasimada DDS ayaa qorsheeyay hawlo lagu yaraynayo saxmada jidadka magaalada

Duqa caasimada Eng Siyaad abdi ahmed, wasiirku xigeenka xafiiska gaadiidka DDS, qaarkamida masuuliyiinta magaalada iyo maamulka Taraafikada jidadka ayaa maanta kormeeray jidadka magaalada si xal loogu helo saxmada jidadka magaalada.

Kormeerkan oo ujeedkiisu ahaa maaraynta iyo xali u helida saxmada isu socodka gaadiidka goobaha adeega dadwaynaha ayaa lagu go aamiyey in jidadka qaar laga dhigo kuwo hal dhinac loo socdo(one way) taasi oo noqonaysa xalka ugu fiican loo yarayn karro saxmada

Koboca iyo koriinka dhaqan dhaqaale ee magaalada ayaa mudooyinku u dambeeyay sababay inay tiradoodu sare u kacda cadadka gaadiidka isticmaalaya jidadka taasi oo keentay in mararka qaar xidhmaan wadooyinku iyadoo dhanka kalena lagu dhibtoodo marka ay timaado khatar dab oo gurmadka dab damiska meel ay maraan waayaan

Hadaba si xal loogu helo dhibaatooyinkaasi ayaa maamulka sare ee caasimadu ka fikiray xalka ugu fudud ee si degdeg ahna loogu hirgalinkaro mudo kooban.

Hirgalinta qorshahan ayaa la bilaabi doonaa maalinta isniinta soo socota iyadoo ay iskaashanayaan Xafiisyada bahwadaagta ee xafiiska gaadiidka DDS, xafiiska ganacsi iyo gaadiidka magaalada, komishinka booiska qaybta taraafikada iyo booliska magaalada.

 

W/Q Nimcan ahmed Cabeeye

Share this Post