Wasiirudawlaha wasaarada Horumarinta Magaalooyinka iyo kaabeyaasha Dhaqaalaha Dalka Marwo Helen Debebe ayaa Maanta soo gaadhay Magaalada Jigjiga.

Wasiirudawlaha wasaarada Horumarinta Magaalooyinka iyo kaabeyaasha Dhaqaalaha Dalka Marwo Helen Debebe ayaa Maanta soo gaadhay Magaalada Jigjiga.

 

Socdaalka wasiirudawlaha, ayaa daaranaa dardargalinta hawlaha guriyaynta iyo sixitaanka goldaloolooyinka kajira dhinaca xogta iyo warbixinada la xidhidha guriyaynta. Waxayna kulan la qaadatay Masuuliyiinta Segtarka Horumarinta Magaalooyinka oo ay kamidyihiin Wasiir kuxigeenka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS, Mudane Inj Yoonis Nuur Cali, Duqa Caasimada deegaanka ee jigjiga Eng siyaad abdi ahmed, Maareeyaha Wakaalada Horumarinta iyo Maamulka Guriyaynta, Lataliyaha Sectorka iyo Masuuliyiin kale.

 

Waxayna kawadahadleen sidii sixitaan loogusamaynlahaa goldaloolooyinka kajira dhinaca Xogta iyo warbixinada kusaabsan guriyaynta iyada oo dhinacakalana masuuliyiinta deegaanku ay wasiirudawlaha kalahadleen, sidii ay dawlada dhexe kaalin muuqata uga qaadanlahayd dhimista baahida guriyaynta ee kajirta deegaanka si lamid ah deegaanada kale ee Dalka.

 

Kulankaas kadib, wasiiru dawlaha oo ay weheliyaan Masuuliyiinta heer deegaan, ayaa soo kormeeray Mashaariicda Wadooyinka Laamida ee kasocda Magaalada Jigjiga.

 

(Niman A Cabeeye)

Share this Post