Qiimayntii todobaadlaha ahayd ee qaab-socodka Shaqada Mashruuca Horumarinta ‘Corridor-ka’ Magaalada Jigjiga, ayaa kasocota qolka nasashada ee Xafiiska Mashruuca.

Kulanka oo uu caawa hogaaminayo Duqa Magaalada Jigjiga, Inj. Shaafi Axmed Macalin, ayaa lagu faaqidayaa Geedi-socodka Shaqada Mashruuca. waxaana kulanka goob-joog ah qaar kamid ah Hogaaminta Maamulka Magaalada, Hawl-wadeenada Mashruuca iyo Shirkadaha gacanta kuhaya Masjruuca.Qiimayntan oo todobaadkiiba labo jeer laqabto, ayaa lagu ogaadaa islamarkaana lagu saxaa caqabadaha lalakulmo iyo meelaha uu gasbisku kajiro ee xalka degdega ah ubaahan.

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *