Jig-jiga: Waxaa lagu qabtay kulanka khibrad-wadaaga magaalooyinka Dalka Itoobiya.

Jig-jiga: Waxaa lagu qabtay kulanka khibrad-wadaaga magaalooyinka Dalka Itoobiya.

Kulanka khibrad-wadaaga harumarinta kaabayaasha dhaqaale iyo kobcinta nidaamka hay'adeed ee magaalooyinka Dalka ayaa ka qabsoomay madasha kulammada ee Qaryaan Dhoodaan, waxaana kasoo qayb'galay Madaxweynaha DDS mudane Mustafe Muxummed Cumar, marwo Chaltu Sani, oo ah Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Magaalooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee JDFI, Wasiirka Xafiiska Harumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS, mudane C/raxman Ciid Daahir iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in isbaddal weyn uu kajiro magaalooyinka Deegaanka, xukuumaduna ay daddaal wanaagsan ka muujisay horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee magaalooyinka, lana sii wadi doono.

Marwo Chaltu oo kulankani ka hadashay ayaa sheegtay in mar-xalado kala-duwan uu soo maray Deegaanka Soomaalidu balse uu s iwanaagsan uga faa'iidaystay isbaddalkii guud ee dhacay, annaguna ka fadaraal ahaan waxa aannu diyaar unahay sii xoojinta kaabayaasha horumarineed ee magaalooyinka ayay tidhi.

Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS, mudane C/raxman Ciid Daahir ayaa geestiisa xusay in 6-da maamul magaalo ee Deegaanka ay ka socdaan mashaariico waaweyn oo lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaale ee bulshada.

Muddo kooban ayaa kor-u-kac ballaadhan laga dareemay caasimadda, si gaar ahna waddooyinka laamida ah taasi oo xukuumad fadaraal ahaan iyo cid-walba oo aragta tayada laamiyadani wakhtiga yar lagu hirgeliyay ay la dhacayso dareenka hagrashada leh ee lagu dhisay magaalada; taasina waxa ay sababtay in kulanka khibrad-wadaaga lagu qabto Jig-jiga maadaama ay muddantahay.

Share this Post